Warar sheegaya dowladda Soomaaliya oo Ethopia u gacan galisay Sarkaal ka tirsanaa ONLF

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Sarkaalkii ONLF ka tirsanaa ee todobaadkii hore la keenay magaaladda Muqdisho loo gacan geliyay dowladda Itoobiya.

Sida uu qoray Warkeyska  Ethiopian Observer C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa  loo gacan galiyay dowlada wadanka Itoobiya.

C/xakiin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ayaa ahaa Madaxii Xarunta Dhexe ee Ururka ONLF, waxaa bartamihii bishan laga qabtay Koonfurta Magaaladda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug , isagoo la sheegay in uu amni daro ka waday gobolaas, iyadoo loo soo gudbiyay Magaaladda Cadaado.

Ciidamo ka tirsan Nabadsugida Soomaaliya ee ka howlgala deeganada Maamulka Galmudug ayaa Jimcihii la soo dhaafay keenay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, kadib markii diyaarad gaar ah loogu soo qaaday Magaaladda Cadaado.

Arintaas waxaa aad ugu carooday Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug oo sheegay in sarkaalkaas gacantooda dib loogu soo celiyo, haddii kalena uu xumaan doono xiriirka Dowladda Soomaaliya iyo Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay dalbatay in Sarkaalkaas lagu soo wareejiyo, waxaana la sheegay inay u martay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland oo shalay u soo gaaray Muqdisho soo wareejinta Sarkaalkaas.

Ninkan ayaa la sheegay in diyaarad yar looga qaaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay diyaarada sii martay magaalada Baydhabo oo saldhig u ah Ciidamada Itoobiya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaarada Milateri looga sii qaaday garoonka diyaaradaha magaaladda Baydhabo, waxaana la geeyay magaalada Godey, halkaa soo shalay galabta ay diyaarada Ethiopian Airlines ka qaaday, isla markaana ka dejisay magaalada Nazaret oo ay ku taal xarunta ugu weyn ee Sirdoonka Itoobiya.

Tallaabadan ayaa noqoneysa tii u horeysay ee dowladda Soomaaliya ay Itoobiya ugu gacan geliso Sarkaal ka tirsan Ururka ONLF oo ka soo jeeda dalka Itoobiya, iyadoo dhawaan Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen is dhaafsiga maxaabiista ka soo kala jeeda labada dal.

PUNTLAND POST