Galmudug” Sarkaal ka tirsan ONLF oo Aan qabanay Dowlada ayaa si xoog ah kaga dajisay Muqdisho”

Wasiirka Amniga Dowladd Goboleedka Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay Sargaal Ka tirsan ururka (ONLF) oo laba maalin ka hor lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sargaalkan oo lagu magacaabo  Cabdikariin Sh. Muuse (Qalbi DHagax) ayuu wasiirku Sheegay in laga qabtay magaalada Gaalkacyo asagoo wada falal amaanka Maamulka Galmudug lidi ku ah.

Waxaana uu Wasiirku sheegay in Ciidamada Nabadsugida Qaranka ay si xoog ah  ku qaateen Sargaalkaas Loona waday magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya ayuu baaq udiray Wasiirka Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur waxaana uu ka codsaday in gacanta maamulka Galmudug dib loogu soo celiyo,waxaana Shaki galiyay wadashaqaynta dawlada Dhexe iyo Galmudug hadii gacntooda dib loogu soo celinwaayo.

PUNTLAND POST