Madaxweynihii xilka waayay ee Hirshabeelle oo ka hadalay Go’aankii Dowladda Dhexe

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble oo ay dhawaan xilka ka qaadeen Xildhibaannada Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa sheegay in xoog uusan ku qabsan Hirshabeelle, si sharci ahna uu ku yimid xilka, sharcina uu uga tegayo – isagoo diiday go’aan ay maanta soo saareen Golaha Wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Cosoble oo la hadlayay VOA –da ayaa sheegay in horay uu u ogaa qorshaha loogu soo diray Magaalada Jowhar qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Somalia oo uu ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha uuna ahaa tallaabo uu si weyn uga dambeeyay Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.

“Qoraalka ay soo saareen waa mid taladooda ah oo raqiis ah, aniga ayaana ah madaxweynaha sharciga ah ee Hirshabeelle” ayuu yiri Cosoble, wuxuuna yiri isagoo ka hadlayay mooshinka ay xilka uga qaadeen xildhibaannada Hir-shabeelle ayuu sheegay inuusan ahayn mid sharci ah uusana aqbalayn.

“Afar iyo labaatan saac in mooshin lagu keeno laguna qaado, xilna loogaga qaado Madaxweyne maqan ma ahan mid sharciga waafaqsan,”ayuu yiri Cali Cosoble.

Sidoo kale, Cosoble oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay inuu xalay la kulmay Madaxweyne Farmaajo ayna ka wadahadleen Xaaladda Hirshabelle uuna Madaxweynaha u sheegay in arrintaan laga hadli doono markuu kasoo laabto safar uu ku tegayo dalka Masar.

Ugu dambeyn, Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle oo la weydiiyay wuxuu sameynayo ayaa ku jawaabay. “Fal-dambiyeed ayaa la galay maxkamadda sare ee Dalka ka jirta ayaan u gudbinay sharciyaqaanno ayaanan arrintaas u bandhignay maxkamad ayaan ku kala baxaynaa”.

Ugu dambeyn, Xiisad ka dhalatay xil ka qaadistii Madaxweynihii Hirshabeelle ayaa ka taagan Muqdisho, iyadoo arrintaan ay saameyn ka badan intii laga filayay ay yeelatay, halka dowladduna ay go’aan cad ka qaadatay arrintan.

PUNTLAND POST