Dowladda Federaalka oo go’aan ka gaartay khilaafka siyaasadeed ee Hirshabeelle

Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya ayaa go’aan ka gaartay khilaafka siyaasadeed ee maamulka Hirshabeelle.

War qoraala oo ka soobaxay xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowladda Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa lagu sheegay in la tixgaliyo go’aankii Baarlamaanka Hirshabeelle ay gaareen 14-kii bishan Augusto, isla markaana doorasho lagu qabto 30 cisho gudahood, waxaana sidoo kale faahfaahin laga bixiyay qaabka ay doorashadaasi u dhacayso.

Hoos ka Akhriso qoraalka Wasaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta
Maamulka Hishabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa qalalaase siyaasadeed, kadib markii xilkii laga qaaday madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa xilka qaadistiisa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST