Baarlamaanka Hirshabeelle oo kalsoonidii kala noqday Madaxweyne Cosoble.

Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku shiray maanta Magaalada Jowhar ayaa go’aan kama danbeys ah ka gaaray Mooshinkii ka dhanka ahaa Madaxweyne Cosoble.

Xildhibaanada oo maanta oo dhan shir kulahaa Hoolka Shirarka ee Farjano ayaa Kalsoonidii kala laabta Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosoble oo xilka loo doortay Dhamaadka Sanadii 2016.

Kulanka waxaa joogay 76 Xildhibaan; waxaa ogolaaday in Madaxweyne Cosoble mooshinka lagu rido 68 Xildhibaan, 6 Wye diiday halka 2 ay ka aamustay.

In ka badan 10 Wasiir oo ka tirsanaa Xukuumadda Hirshabeelle ayaa shalay is casilay, kuwaasi oo sheegay in Cosoble uu mugdi geliyay Hirshabeelle, sidoo kalena aysan shaqo ka socon degaanada maamulkaasi.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post