Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland ka dib safar labo todobaad qaatay oo uu ku maqnaa dibada.

Boqolaal shacab ah iyo masuuliyiin ka tirsan Dowlada iyo Maamulka Degmada Garowe ayaa Wasiir Axmed Karaash kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Konoco, wuxuuna soo dhaweyn ka dibĀ  warfidiyeenka uu uga waramay soo laabashadiisa.

Wuxuu sheegay Wasiir Axmed Karaash inuu la xiriiray socdaalka uu ku tagay dibada labo arrimood oo mid tahay xaalad caafimaad iyo hawlo shaqo oo uu sheegay inuu u tagay wadamo ay ka mid yihiin dalka Imaaraadka carabta iyo Cumaan.

Dhinaca kale Wasiir Axmed Karaash oo ka hadlay go,aankii baarlamanka Puntland todobaadkii horre ku rideen gollaha Xukuumadda ayaa ku tilmaamay inuu ahaa mid dastuuriya, wuxuuna si la mid ah soo dhaweeyay go,aankii uu ku aqbalay arrintaas Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas.

Sawiro.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST