DAAWO Falanqeyn ku saabsan go,aankii Baarlamanka Puntland

18 bishaan July 2017 wuxuu gollaha baarlamanka PUNTLND xasaanadii kala noqday dhamaan gollaha Wasiirada si wadar ah waana markii ugu horeysay oo ay dhacdo talaabo noocaan ah tan iyo markii la asaasay PUNTLAND 1998-dii, xilli hay,addaha dastuuriga ah ee Puntland mudada xil hayntooda uga harsan tahay wax ka yar 2 sano siiba gollaha Xukuumadda iyo Baarlamankaba.

Dareen kala duwan oo ku aadan qaabka loo qaaday talaabadan ayay ka bixinayaan Siyaasiinta iyo Dadweynaha Puntland go,aanka baarlamanka,Iyadoona Warbaahinta PUNTLAND POST oo faalooyin horey uga samaysay qadiyadan wali ay sii wado weydiinta iyo soo gudbinta dareenkooda ku aadan siyaasiinta iyo dadweynaha Reer Puntland.

Waxaa ka mid ah Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Warbaahinta PUNTLAND POST wax ka weydiisay go,aankii baarlamanka Cabdixabiib Warsame oo ku nool dalka Mareykanka iyo Ambassador Abshir Xasan Abshir oo horey uga soo mid noqday Baarlamanka Soomaaliya oo hadda ku sugan magaalada Nayroobi.

Dhagayso Ra,yi uruurinta PUNTLAND POST.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST