Maamulka Dongoroyo oo shahaado gudoonsiiyay Wasiirka Haweenka Puntland

Maamulka Degmada Dongoroyo ayaa shahaado sharaf gudoonsiiyay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ka dib markey sheegeen inay ku mutaysatay waxqabadkeeda haddii ay ahaan lahayd ka qeybqaadashada taakuleynta abaarihii dalka soo marey ,waxayna ahayd Wasiir Aniso wasiirkii ugu horeeyay oo gargaar u fidisa bulshada ku nool deegaano hoosyimaada Degmada Dongoroyo.

Gudoomiyaha Degmada Dongoroyo Mukhtaar Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Wasiir Aniso Xaaji Muumin qeyb ka mid ah dadkii abaartu haleeshay ay ka rartey tuulooyin ka mid ah magaalooyinka Baqbaq,Uusgure iyo Qundheed, wuxuuna sheegay inay u rartay meelo uga roon meeshay deganaayeen.

Sidoo kale waxay wasiiraddu ka hirgalisay degmada Dongoroyo mashruuc horumarineed oo soconaya muddo shan sano ah kuna saabsan waxbarashada haweenka iyo dhaqaalo abuur loo sameeyo.

Maamulka Degmada Dongoroyo iyo Martidii kazoo qeybgashay xaflada shahaado sharafka maanta lagu gudoonsiiyay Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa si wada jir ah ugu hambalyeeyay Wasiir Aniso waxqabadkeeda waxayna ku amaaneyn kaalinta iyo dadaalka ay ku leedahay mashaariicda horumarineed ee ka socda gudaha dalka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.