Baarlamaanka Puntland oo riday Golihii Xukuumadda

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa goor dhaweyd cod aqlabiyad ah ku  riday Golihii Xukuumadda Puntland.

44 Xildhibaan oo soo xaadiray fadhiga Baarlamaanka saaka ayaa dhamaantood gacanta u taagay in la rido Golaha Xukuumadda Puntland.

Baarlamanka Puntland ayaa shalay dood xasaasiya ka yeeshay Ajande looga hadlayay Amaanka Puntland waxay in ka badan 20 Xildhibaan oo ka hadashay madasha kalfadhiga ku eedeeyeen Xukuumaddu inay ku fashilantay dhawr qodob sida bixinta dhaqaalaha Amniga lagu sugo, Daryeelka Ciidamada iyo Qorshe la,aan ka jirta xaalada guud ee Amaanka.

Waa markii ugu horeysay oo la rido Golaha Xukuumadda, tan iyo Aasaaskii Puntland.

Faahfaahin goordhow la soco