Weerar Ismiidaamin ah iyo mid Toos ah oo lagu qaaday Hotel ku yaalo Muqdisho

PP- (MUQDISHO) Weerar isugu jira Qarax iyo rasaas Toos ayaa  xalay lagu qaaday makhaayadda BOSH oo ku taala Xafadda Banaadir Degmada Hodan magaalada Muqdisho.

Weerararka ayaa ku biloowday qarax lagu qarxiyay ilinka hore ee Makhaaxida Bosh oo ah maqaaxi ay isticmaalaan dadka qurbo joogto ah ee ku sugan Muqdisho.

Qaraxa kadib Dableey hubeeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay xarunta BOSH iyo Xarunta Pizza House oo ah meel loo dalxiis tago oo ka soo horjeedo halka weerarka uu ka dhacay.

ilaa Xalay waxaa Muqdisho laga maqlayay daryanka rasaasta ay is weeydaarsanayaan kooxihii ku jirtay Hotelka BOSH iyo ciidamada amaanka.

in ka badan 15 ruux ayaa ku geeriyootay weerarkaasi oo u badan dad shacab ah oo ku sugnaa makhaaxida Hotelka la weeraray .

waxaa dadka qaraxa ku dhintay kamid ah muwaadiniin Siiriyaan ah oo Shaqaale ka ahaa xarunta Pizza House oo ah meel la qurxiyay oo loo dalxiis tago.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa Hotelkaasi ka soo bad baadiyay ajaaniib u dhalatay Kenya iyo Itoobiya oo ku jiray Hotelka.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarakaasi waxaana ay sheegtay in ay weerartay goob ay ku shirayeen dad ajaaniib ah.

Ugu dambeeyntii goordhow oo Saaka ah ayaa la soo gaba gabeeyay weerarkaasi waxaana ciidamadu ay toogteen kooxihii weerarkaasi soo qaaday oo 4 nin ka koobnaa.

Hoos Ka Daawo Sawiro hordhac ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho