PUNTLAND POST oo soo xiganaysa saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland khasaaraha ka dhashay dagaal saaka ciidamo ka tirsan Puntland iyo Alshabab ku dhex marey tuulada Af-urur wuxuu gaarayaa dhimashada in ka badan 45 askari, saraakiil ka tirsan ciidanka Puntland iyo afar qof oo shacab ah.
Weerarkaan oo ahaa mid gaadmo ah oo ay soo abaabuleen maleeshiyo ka tirsan Alshabab waxaa wararku sheegayaan inuu yahay khasaaraha dhankooda soo gaarey dhimashada 15 ka tirsan dagaalyahanada Alshabab..
Sidoo kale intii uu socday weerarka gaadmada ee saaka lagula beegsadey ciidamo ka tirsan PUNTLAND fariisin ay ku lahaayeen meel u dhaw tuulada Af urur waxaa lagu gubay tiro dhawr baabuur ah oo ay leeyihiin ciidanka Puntland.
Maleeshiyaadka Al-shabab ayaa dib ugu laabtay fariisimo ku yaala qararka buuraha silsilada Golis,Waxaana gaarey subaxnimadii hore ee maanta Af urur ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha guud ee ciidamada Puntland General Siciid Dheere oo hadda halkaas ku saugan.
PUNTLAND POST

Argagixisaan Buuraha ku dhuumaneysa ,markii ay dadlaayaan, mala waayey meesha ay ku dhuumanayeen? maxaa dadka reer baadiyaha ah ee degaanka halkaas ah Sir doon looga dhigi waayey? maalin baa la soo qabanayaa, reer baadiyuhu dhagxaantey rugayaan, halaga faaiideysto, lacag yar haloo ballan qaad ,Raashin uu qaato intuu baadi goobka ku jiro hala siiyo , meelaha ay ku dhuumanayaan ayey soo sahminayaan, maxaa wiilashaan, aan dhulka aqoon meesha loogu laynyaa.?