Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo la toogtay

Warar haatan soo gaaray PUNTLAND POST  ayaa ku waramaya in is-rasaaseen ka dhacday Magaalada muqdisho goordhaweyd in uu ku dhintay Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa inoo sheegay in wasiirka gaari uu watay oo marayay agagaarka Madaxtooyadda Soomaliya uu la kulmay is-rasaseen goobta ka dhacday islamarkaana uu wasiirka soo gaaray dhaawac culus oo loogu qaaday mid kamid ah isbitaaladda Magaalada Muqdisho.

Warar soo soo baxaya ayaa sheegay in Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji in uu u dhintay dhaawaca soo gaaray.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah 

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho