Waa kuma Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya?

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Xasan Cali Kheyre u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Afarta sano ee soo socoto.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sanadkii 1968 ku dhashay gobolka Galgaduud, Waxa uu heeystaa dhalashada dalka Norway, halkaas oo uu wax ku bartay. Kheyre waxaa uu mudo kadib u soo wareegay dalka Ingiriiska oo uu ka bilaabay howlo ganacsi.

Xasan Cali Kheyre waxa uu ahaa Nin ka shaqeeya Arrimaha Beni aadannimada, Waxa uu Madax ka soo noqday Hay’adda qaxootiga dalka Norway ee loo soo gaabiyo NRC.

Kheyre waxa uu NRC kadib madax ka noqday shirkadda SOMA OIL and GAS, SOMA waa shirkad laga leeyahay wadanka Ingiriiska, waana shirkad muran badani ka dhacay kadib markii ay dowladda federaalka heshiis kula gashay in ay baarto badaha Soomaaliya, waxa uuna Kheyre ka noqday Agaasimaha shirkaddaas ee bariga Afrika.

Waxaa xusid mudan in Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka Hubka Soomaaliya iyo Erateria Ra’iIsul wasaaraha cusub ku tilmaamtay in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab inkastoo markii dambe warkaasi raad loo waayey.

Ra’iisul wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Xasan Cali kheyre ayaa ka soo jeeda Degmada Ceel-buur ee Gobolka Galgaduud.

Xasan Cali Kheyre waa Nin dhalinyaro ah oo ku cusub saaxada siyaasada dalka Soomaaliya isaga oo aan ku luglaheyn siyaasada dalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga dhursugayaa in ay ansixiyaan oo codka kalsoonida uu u weeydiiyo Madaxweyne Farmaajo islamarkaasina uu Baarlamaanka horgeeyo.

Waxaa laga dhursugayaa Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya in uu soo magacaabo xubnaha Golaha wasiirada Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland post Muqdisho