Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Inta la xaqiijiyay 30-ruux oo dad shacab ahaa ayaa ku dhintay kadib markii gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha uu ku qarxay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Gaari qarxay ayaa ahaa kuwa Xamuulka qaada islamarkaana lagu qarxiyay suuqa Kaawo Godey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, markuu qaraxa dhacayay suuqa ayaa ahaa mid aad u mashquul badan oo dad ay ka dukaamaysanayeen.

Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka qaranka Soomaliyeed (NISA) ayaa xaqiijiyay in qaraxa lala bartilmaameedsaday suuqa Kaawo Godey islamarkaana ay ku dhinteen in ka badan 30-ruux oo shacab ahaa, haatan lagu mashquulsan yahay sidii loogu gurman lahaa.

Ilaa haatan ma jiro cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa ka dhacay Suuqa Kaawo Godeey Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Xasan maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho