Weeraro Qaraxyo iyo Dagaal Toos ah oo ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose

Wararka laga helayo Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Alshabaab ay weerar culus ku qabsadeen xeradii ciidamada Kenya ee AMISOM ku lahaayeen Degaanka Kulbiyow, degmada Badhaadhe ee gobolka J/hoose.

Weerarka oo aroortii ku bilowday laba qarax oo ismiidaamin ah ayaa waxaa xigay dagaal socday ku dhowaad 2 saacadood oo qasaare balaaran dhaliyay.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Alshabaab ay gebi ahaan la wareegeen xerada Kulbiyow oo ciidamada Kenya ay kula dagaalameen iyadoo xerada lagu laayay askar fara badan oo Kenyaan ah.

Alshabaab ayaa sheegtay inay dishay 57 askari, halka dadka degaanka ay arkeen meydadka 29 milateriga Kenya la tirsan.

Xaaladda ayaa kacsan iyadoo xerada Kulbiyow ay gubaneyso, waxayna Alshabaab dab qabadsiiyeen gawaarida ciidamada Kenya ee xerada yaalay iyaagoo kaxeysay qaar kale.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Ciidamo dheeraad ah u dirtay Degaanka Kulbiyow oo saakay Shabaab ay ku qaadeen weerar isugu jiray Qaraxyo sidoo kale mid toos ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Kenya ayaa sheegay in Ciidamo aad u badan ay u direen goobta uu weerarku ka dhacay.

Waxaa uu sheegay in saakay aroortii Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhiga Ciidanka Dowladda Kenya ay ku leeyihiin Degaanka Kulbiyow oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu jiro khasaare, maadaama Dagaalyahanada Shabaab ay gudaha u soo galeen saldhiga Ciidamada.

Ciidamada Kenya ee loo diray Degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa la socda kooxda gar gaarka deg deg ah, si ay u caawiyaan Ciidanka Kenya ee ku dhaawacmay Dagaalka.

PUNTLAND POST