Culimadda oo taageeray go,aankii Puntland ku difaacday Diinta Islaamka

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culimada waawayn ee Somalida ayaa ku amaanay Wasiirka Wasaaradda haweenka Puntland iyo Gudoomiyaha xuquuqul Insaanka Puntland sida ay bulshada ugu soo bandhigeen Buugii lagu qoray qodobbo ka hor imaanaya Diinta Islaamka oo dhawaan si qarsoodiya Garowe loogu qaybiyey.

Shiikh Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Africa faraceeda Garoowe oo Warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa hadalkiisa ku bilaabay “ Buugii sida qarsoodiga ah lagu qaybiyey ayna ku qornayeen arrimo Diinteena ka hor imaanaya kuwii keenay way kashfimeen waxaan bogaadin iyo duco u dirayaa Wasiirka Haweenka iyo Gudoomiyaha Xuquuqda Aadanaha Dowlada Puntland oo door shariifa ka qaatay inay ka hadlaan tilmaamaana inay dambiilayaal ahaayeen kuwii qaybiyey Islamarkaana iska bariyeelay”ayuu yiri Shiikhu.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in loo baahan yahay in laga hortago fal kasta oo Diinteena iyo dhaqankeena wanaagsan ka hor imaanaya ,wuxuuna tilmaamay inay jiri karaan dhacdooyin kuwaan la mid ah oo qarsoon kuwasoo u baahan in laga digtoonaado.

“Masuuliyiinta soo bandhigay dabinka Hay,adan tuugada ah ay ku faafinaysay qodobo ka hor imaanaya Diinteena, waxay muujiyeen masuulliyad weyn, Waana ku amaanan yihiin sababtoo ah maanta ma jiraan masuuliyiin sidooda oo kale uga hadli kara siday ugu dhiiradeen inay  uga horyimaadaan waxay faafinaysay Hay,adda Tuugada ah, Waxaana leeyahay Waxba kama ay oga, Waana ku mahadsan yihiin doorka ay ka qaateen difaacida diinta islaamka  ”ayuu mar kale yiri Shiikh Maxamuud.

Dhan kale Golaha Baarlamanka Puntland ayuu ku amaanay xilka ay iska saareen inay mar walba meesha ka saaraan oo aysan ansixin qodobada iyo go,aamada kasoo horjeeeda Diinteena suuban Isagoona cadeeyey Sheekh Maxamuud in Baarlamanka Puntland uu mar walba masuuliyad iska saaro ilaalinta Diinta Islaamka iyo Ka feejignaanta wax walba oo ka hor imaanaya.

Hadalka Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culimada caanka ee dalka Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli maanta khudbadihii Jimcaha masaajida waaweyn ee magaalooyinka Puntland culimo badan ay amaan iyo bogaadin ugu jeediyeen Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Gudoomiyaha Xafiiska Xuququul Iinsaanka Dowlada Puntland.

Dhagayso SHIIKH MAXAMUUD XAAJI YUUSUF

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST