Xudur (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in Qaadka ama Jaadka laga mamnuucay degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, isagoo sheegay in Qaadku uu dhibaato uun ku yahay dadka ku nool Gobolka.
Maxamed Cabdi Tall oo la hadlayay BBC-da ayaa sheegeay in go’anka ay ku mamnuuceen Qaadka ay soo saareen Salaasadii shalay ahayd, isagoo xusay in go’aankan uu yahay mid ay gaareen shacabka ku nool degmada Xudur.
“Qaadka waa laga mamnuucay degmada Xudur, waayo dhibaatooyin kala duwan ayuu ku hayaan shacabka iyo ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-shabaab, sidaas daraadeed waxaan go’aannsannay inaan degmada ka mamnuucno,” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Bakool.
Sidoo kale, Guddoomiyaha oo la weydiyay dadkii ka shaqeysan jiray Qaadka sida ay ka yeelanayaan, ayaa wuxuu ku jawaabay in Qaadku uusan ahayn shaqo ee dadkaas looga baahan yahay inay shaqooyin kale raadsadaan sida iibinta dharka iyo cunnooyinka.
Dhanka kale, Maxamed Cabdi Tall ayaa sheegay in muddo laba casho ah ay u fadhiyeen sidii ay Jaadka ka yeeli lahaayeen, lana go’aasaday in amrakan lasoo saaro, isagoo xusay in go’aankan uu dhaqan-gal noqday isla shalay.
“Waxaan shacabka u sheegnay in ciidamadii ay shaqooyinkoodii joojiyeen oo ay Qaad cunid ay galeen, isla markaana ay Al-shabaab soo weerarto marka ay qaadka u fadhiyaan ama ay hurdayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Bakool ayaa xusay in go’aankan uu ka dhaqan-galayo goobaha ay dowladda gacanta uga hayso Xudur, ayna ku boorrinayaan shacabka inay amarkan fuliyaan, isagoo xusay in Maalintii ay imaan jirtay hal diyaarad oo qaad wadda.
PUNTLAND POST