Muqdisho (PP) ─ Cayaaryahanka Asalkiisu Soomaali yahay oo dhawaan la siiyay dhalashada dalka Sacuudiga ayaa ka mid noqonaya xulka Sacuudiga uga qayb-galaya cayaaraha Adduunka ee lagu qabanayo Ruushka 2018-ka.
Mukhtaar Cali Afgooye ayaa si rasmi ah loogu daray xulka Kubadda cagta ee Boqortooyada Sacuudiga, markii la siiyay Baasaboorka waddankaas. Sidoo kale Mukhtaar ayaa ku dhashay magalada Maka ee dalka Sacuudiga sanadkii 1997-kii, wuxuuse u wareegay Ingiriiska, isagoo ka mid noqday da’yarta Kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea, ka nabaxay Akadeemiyada kooxdaas.
Sidoo kale, Mukhtaar ayaa kooxda Chelsea kula guuleystay Koobka da’yarta ee FA Youth Cup iyo Koobka da’yarta Horyaallada Yurub ee Uefa Youth Cup Sannadihii 2015-kii iyo 2016-kii.
Dhanka kale, Wuxuu ka mid ahaa xulka Ingiriiska ee da’dooda ka hooseyso 17-jirka. Wuxuu mah ahaan ugu biiray Kooxda ka dhisan Horyaalka Holland ee Vitesse Arnhem sanadkii hore, isagoo u saxiixay heshiis joogto ah.
Ugu dambeyn, Laacibkan Soomaaliyeed ee Mukhtaar Cali oo 19-jir ah ayaa ah cayaaryahan xirfad sare leh, isagoo ka ciyaara Khadka Dhexe, wuxuuna tariikhda ku geli doonaa laacibkii u gu horeeyay ee Soomaali kasoo jeeda ee ka qeyb gala Koobka Adduunka.

PUNTLAND POST