Gudaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo laga dhisayo Hoteel Caalami ah

Muqdisho (PP) ─ Shirkadda maamusha Garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Favori oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa billowday inay gudaha garoonka ka dhigsto Hoteel Caalami ah, taasoo la sheegay in amni ahaan ay halis ku tahay garoonka.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Shirkaddan ay iibsatay Dhismihii hore ama Terminalkii laga guuray ee Garoonka iyo barxadda ku dhow, halkaasoo ay ka dhiseyso Hoteelkan.

Mas’uuliyiin Garoonka Diyaaradaha iyo Hay’adda Saadaasha Hawada, ayaa walaac ka muujiyay dhismaha Hoteelkan iyo halka laga dhisayo oo aanay munaasib ahayn, maadaama uu dacalka kaga yaalo qeybta Diyaaradaha ay soo fariistaan.

Buuq iyo is-qab-qabsi ka dhashay Tallaabada ay Hoteelka uga dhiseyso Shirkadda Favori, ayaa waxaa soo fara-geliyay Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo uu ka mid yahay Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka, Maxamed Cabdullaahi waxaana la sheegay inuu difaacay in shirkadda ay hoteelka ka dhisato Terminalki hore.

Dhismaha Hoteelka ayaa durbaba la calmaadeeyay, iyadoo la geeyay alaabaha dhismaha Hotelka, waxaana halka laga dhisayo uu ku soo dhowaaday wadada aada dhanka Xalane iyo xarunta Saadaasha Hawada.

Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan soo saaray amar lagu farayo dhammaan hay’adaha degan hareeraha dhabaha diyaaradaha caga dhigtaan oo dhismayaal kala duwan laga dhistay, waxaana qorshuhu yahay in garoonka uu noqdo meel ammaan ah.

Dhanka kale, Mid ka mid ah shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in hadii Hoteelka laga dhiso goobta la calaamadeeyay ay dadka dega Hoteelka waxyeeleyn karaan diyaaradaha halka ay fariisato oo gacan taag un u jira.

Uga dambeyn, Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa noqday meel ay cid kasta iska dhisato, waxaana sanadihii u dambeeyay ku soo kordhayay dhismayaasha ay shirkadaha shisheeye ka dhisanayaan dhulalka Garoonka.

PUNTLAND POST