Maxkamadda Sare ee Galmudug oo Go’aan ka Qaadatay Khilaafkii Siyaasadeed ee Galmudug

Cadaado (PP) ─ Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug, ayaa go’aan ay maanta soo saartay sharci kaga dhigtay dhammaan xil-ka-qaadistii ka dhacday degmada Cadaao ee lagu sameeyay Madaxda Galmudug oo dhan.

Bayaan uu ku saxiixna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Yaxye Sheekh Cali Maxamed oo maanta oo baxday ayaa waxaa lagu sheegay in xil-ka-qaadistii Baarlamaanka Galmudug uu ku sameeyay Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf  26-kii bishii lasoo dhaafay ay ahayd mid sharci ah.

Sidoo kale, Maxkamadda ayay sharci ka dhigtay xil-ka-qaadistii Madaxweyne ku-xigeenka Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Dhanka kale, Waxay Maxkamadda Sare ee Galmudug sheegtay inuu xilkiisa waayay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Xareed Cali oo ka maqnaa fadhiga 118-maalmood.

Ugu dambeyn, Maxkamadda ayaa waxay fartay Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Aadan Macalin inuu noqdo Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug.

Akhriso Bayaanka kasoo baxay Maxkamadda Sare ee Galmudug;

PUNTLAND POST