Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafyada siyaasadeed ee xilligan ka taagan gudaha Soomaaliya.
Farmaajo aysheegay inuu aad uga xun yahay in xiligan waddanku uu galo xaalado Siyaasadeed oo heerkiisu sareeyo, isagoo tilmaamay in siyaasiyiinta Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Xasilooni Siyaasadeed iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.
”Khilaafyada taagan waxa wada waa siyaasiyiinta, waxaan ka dooneynaa in ay ka shaqeeyan xal-siyaasadeedka dalka, suuro-gal ma ahan in waddanka dib loogu celiyo khilaaf iyo muran dhexmara dhinacyada ay siyaasaddu ka dhexeyso,” ayuu yiri Farmaajo.
Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa caddeeyay inaanu muhiim ahayn in Khilaafyada jira ay ku baxaan Dowladaha wakiillada ka jooga Soomaaliya, maadaama ay cashir u noqon doonto dhinacyada uu khilaafka ka dhexeeyo.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in Maamul-goboleedyada looga baahan yahay inay si dhab ah u wada-shaqeeyaan dhab, ayna la shaqeeyaan dowladda FS si guul looga gaaro Siyaasadda dalka.
“Midnimadu waa muhiim, qof walba oo Somalia ah waa inuu u taagnaadaa midnimada, marka aan isku duubannahay cidna nama soo dhex-geli karto, maamul-goboleedyada waxaa looga baahan yahay in ay wada shaqeyn dhab ah la yeeshaan dowladda dhexe,” ayuu yiri Farmaajo oo si kooban u hadlay.
Ugu dambeyn, Haddalka Madaxweynaha Somalia ayaa imaanaya xilli khilaaf Siyaasadeed uu hareereeyay dowlada Federaalka iyo maamul Goboleedyada ka jira dalka qaarkood.
PUNTLAND POST