Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa u yeeray Xildhibaannada Aqalka Sare ee laga soo doortay Jubbaland, si ay uga qayb-galaan shirka maamul-goboleedyada loogu qabanayo magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Warar ku dhaw-dhaw Xubnaha Aqalka sare ayaa sheegaya in Madaxweyne Axmed Madoobe uu sidoo kale casuumaad u soo diray Guddoonka Aqalka Sare iyo Guddiyada Joogtada, si ay talo uga yeeshaan kulanka Kismaayo ka dhacaya, maadaama Aqalka Sare ay matalaan Maamul-goboleedyada dalka ka jira.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka ah ayaa walaac ka qabata shirka, waxaana laga yaabaa inay culeys ku saarto Guddoonka Aqalka sare in aysan ka qeyb gelin shirka Kismaayo.
Kulanka ka dhici doona Kismaayo oo qaban-qaabadiisa ay bilaabatay ayay wararku sheegayaan in maalinta berri oo Arbaco ah ay tagi doonaan wafuudii u horeysay oo ka socda Maamul goboleedyada.
Hadafka shirkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga tashanayo, xalna loogu raadinayo khilaafkii ka dhashay go’aanadii iska horyimid ee Dowlad Goboleedyada qaar iyo Dowlada Federaalka ah ee la xiriiray Khilaafka wadamada khaliijka.
Guriga Martida Magaalada Kismaayo ayaa loo diyaariyay in wafdiga maamul goboleedyada in la dejiyo, waxaana shirar u socda Guddiga qaban qaabada shirka.
Ugu dambeyn, Haddii Shirkan uu dhaco wuxuu noqonayaa shirkii u horeeyay ee maamul goboleedyada oo keligood ay yeeshaan, iyadoo dowladda Federaalka ay ka maqan tahay.
PUNTLAND POST