Madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo ayaa maanta ku wajahan Magaalada Khartoum ee Caasimadda Suudaan.
Saraakiil ka tirsan Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Xaqiijiyay Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Farmaajo uu Maanta ku aadayo Wadanka Suudaan, Kadib Casuumaad rasmi ah uu ka helay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Socdaalkiisa waxaa ku wehlin doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Soomaliya Yuusuf Garaad Cumar iyo Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka Abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf iyo Xubno kale.
Farmaajo ayaa maalmo ka hor Safarkii Saddexaad ku tagay Boqortooyada Sacuudiga,iyadoo uu wali jiro Khilaafka u dhexeeya Wadamada Khaliijka Inkastoo Soomaaliya ay Go’aan dhex dhexaad ah ka qaadatay Muranka ka dhex Aloosan Dalalka Khaliijka.
PUNTLAND POST