Somaliland:-“Il-dheer ayaan kula Soconaynaa Saldhiga Turkiga ee Muqdisho”

Maamulka Somaliland ayaa daboolka ka qaaday in si dhow ay ula soconayaan dhaqdhaqaaqyada ka soo kordha saldhiga millatari ee Turkigu ka furtay Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, oo xalay u waramay warbaahinta Somaliland, ayaa sharaxaad ka bixiyay mowqifka xukuumadoodu ka qabto saldhigan iyo saamayntiisa.

Waxaanu caddeeyay inay ildheer kula socon doonaan saldhigan, islamarkaana saldhigii millatari ee Imaaraadka laga furi doono Berbera.

“Horta cid waliba meesha ay wax ka helayso way tegaysaa waanay u yeedhanaysaa, laakiinmuhiimadu waxay tahay siduu u shaqaynayo iyo cidda ka hawlgelaysa. markaa cidda cadawga kugu ah ee dhibaatada kula rabta,  waxa u soo kordha ildheer in aad u yeelato ayaa muhiim ah,innaguna saldhig Millatari oo dalka Imaaraadka aynu la galnay ayaa jira hawsha ugu weyn ee aynu ku dhaqaaqaynaanna  waa in la dedejiyo furitaankii saldhigga Mllatari ee Berbera laga samaynayo.”

“Iswaydiinta ugu wayni waxay tahay Soomaaliya ma inay dalkooda ku aslaaxiyaan oo ay nabadgelyadooda ku dhistaan ayay u samaysteen saldhigan, mise Somaliland ayay u huburursanayaan. Sidaas awgeed, innagoo aan cidna cadaw ku ahayn haddana is dhigan mayno oo waxa qayrkeen haysto waa in aynu helnaa.”

Waxaa dhawaan xariga laga jaray Saldhiga Turky-ga ee Soomaliya kaasi oo lagu tababari doono Ciidamo kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaliya.

PUNTLAND POST