Madaxweynaha Somalia oo Maanta Qalinka ku duugay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga isgaarsiinta Qaranka , kaddb xaflad ballaarna oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada, taasoo ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socday shirkadaha gaarka loo leeyahay ee isgaarsiinta.

Sharciga waxaa horay u soo dooday, isla markaana soo Ansixiyay Golaha Wasiirrada Somalia iyo labada aqal ee baarlamaanku ka kooban yahay, iyadoo sharcigan uu maanta noqonayo dhaqan-gal sida munaasabadda laga sheegay.

“Waxaa Mahad iska leh ALLE oo noo fududeeyay inaan halkaan ku saxiixno sharcigaan,” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo oo intaas ku daray. “Waxaan qirayaa dadaalkii Dowladihii hore iyo Baarlamaannadii hore ay ka geysteen hir-galinta sharcigan.”

Sido kale, Madaxweynaha ayaa xusay inuu marqaati ka yahay dadaalka ay labada aqal ee baarlamaanka ka geysteen sharcigan, isagoo xusay inay si hufan gacan uga geysteen sharcigan.

“Wasaaradda boostadda iyo isgaarsiinta Somalia waan u mahad-celinayaa, waayo in sharcigan maanta aan saxiixo iyaga ayaa kasoo shaqeeyay, tanina waa taariikhi, waayo sharcigan waqti badan ayaa gelinnay,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynhu wuxuu munaasabadda ka sheegay in wixii horay u dhacay ay wax badan ka barteen, isla markaana aysan doonayn inay mas’uul dowladda ka tirsan shaqadiisa ku fara-geliyaan.

“Dowlad kasta oo aduunka ka jirta dhib ayaa haysta, tusaale qolo Turki ah ayaa Jimcihii ii yimid Muqdisho, waxayna muddo saacad ah iiga sheekeeyeen dhibaatadda dalkooda ka jirta, markii aan dhageystay waxaan ka xishooday inaan dhibaatadda dalkeena uga warramo,” ayuu Farmaajo mar kale yiri.

Wuxuuna hadalkiisa ku daray. “Xukuumaddu si fiican ayay u shaqeynaysaa, laakiin waxaan qirayaa inay jiraan caqabado. Waayo dhibaatada dalkeenna ka jirta hal habeen loogama bixi karo, balse waan dadaalaynaa.”

Ugu dambeyn, sharcigan ayaa wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay oo ay Somalia yeelato wixii ka dambeeyay burburka, iyadoo sharcigaan uu gacacn ka geysan doono sidii shirkadaha isgaarsiinta ay u bixin lahaayeen canshuur.

PUNTLAND POST