Kismaayo (PP) ─ Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in baaritaan ku sameyn doonaan duqeyn Ciidamada Kenya ay ka geysteen deegaanka Tarako oo ka tirsan Gobolka Gedo, taasoo lagu dilay dad rayid ah.
Maxamuud Sayid Aadan ayaa tilmaamay inay aad uga xun yihiin dhibaatada loo geystay dadka shacabka ah ee lagu laayay deegaanka Tarako, Waxaana uu xusay in mag-dhaw la siinayo dadkii lagu dilay duqeyntaas.
“Waannu ka xunnahay dhibaatada loo geystay dadka shacabka ah ee lagu laayay Tarako, waxaanu dhacdadaas ku sameyn doonaa baaritaan,” ayuu yiri Sayid Aadan oo Warbaahinta la hadlayay.
Sidoo kale, Dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada Kenya, kuwa Jubbaland oo isku dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaankaas, waxaana la sheegay inay diyaaradaha dagaalka Kenya duqeymo culus ka geysteen deegaankaas.
Ugu dambeyn, Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa duqeymo culus ka geysta deegaano kala duwan oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Gedo, waxayna ku dilaan xoolo iyo dad rayid ah.
PUNTLAND POST