Cadaado (PP) ─ Madaxweynaha Maamul-goboleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] ayaa soo saaray Wareegto uu Maamulka Galmudug ku geliyay Xaalad deg-deg ah, kaddib muran siyaasadeedkii maalmahan halkaa ka jiray.
Axmed Ducaalle Geelle, ayaa sheegay inuu deegaannada Galmudug kusoo rogay xaalad deg-deg oo soconaysa muddo saddex bilood ah, mudadadaas oo ka billaabanasa bishan Oktoobar oo maanta billowga ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug ayaa ciidamada Ammaanka ku amray inay gutaan Waajibaadkooda iyo inay la dagaallamaan cid kasta oo dhibaato ku ah amniga deegaannada ay ka taliyaan..
Haddba AKHRISO; Wareegtada kasoo baxday Madaxweynaha Galmudug oo u dhignayd sidan:

PUNTLAND POST