Wasiirka Amniga Xukuumada Soomaaliya Maxamed Isloow Ducaale ayaa xilkii ka qaaday Taliyaasha Nabadsugida iyo Booliska Degmada Xamarweyne.
Wasiirka oo goordhow Wariyaasha kula hadlay Xarunta General Kaahiye ee Ciidamada Booliska ayaa sheegay in Xilka looga qaaday Taliyaasha sababo shaqo gudasho la’aan.
Wasiirka ayaa sheegay in sidoo kale labadaasi Taliye iyo 12-Askari oo kale xabsiga loo taxaabay iyaga oo wax laga weeydiin doono dil laba Ruux loogu geystay Degmadaasi Xamarweyne.
Wasiirka Ayaa dhowaan balan qaaday in maanta oo Axad ah haddii aanay keenin laamaha amniga ee degmada Xamarweyne shaqsiyaad labo qof ku dilay Degmada Xamarweyne in xil ka qaadis lagu sameeyn doono mana aanay keenin Taliyaashaasi ragii dilka geeystay.
Faah Faahinta dib kala soco Insha allah .
Xasan Maxamed Samatar Cowke
Puntland Post Muqdisho