Muqdisho (PP) ─ Ergayga QM ee Somalia, Danjire Miichael Keating ayaa ka hadlay guulaha ay dowlada Soomaaliya ka gaareyso arrimaha Siyaasada iyo Amaanka. Isagoo xusay in dowlada Federaalka Somalia ay heer wanaagsan ka gaartay Siyaasadda oo markii hore ahayd mid aan ku taagneyn caga aan wanaagsanayn.
Danjiruhu wuxuu tilmaamay in horumarka dhanka Siyaasada ay hoos u dhac ku iman-karto keliya xilliga la maareyn waayo dastuurka Soomaaliya oo kala saaraayo waxyaabaha khaldan iyo kuwa saxan.
Sidoo kale, Keating ayaa intaas ku daray in guulo la taabankaro laga gaaray Amniga, laakiin wuxuu cadeeyay in maalmihii danbe ay muuqaneysay amni-darro uu ku sifeeyay mid u muuqata arbushaad.
”Amni-darro waxaa ugu dambeysay markii la doortay dowlada cusub, waxaa hadda socda dilal yar-yar oo aan is leenahay waa mid lagu arbushaayo dowlada”
Danjire Keating ayaa sheegay in Dowlada Federaalka haddii ay ku dhiirato laba arrimood oo xasaasi ah ay ku keeni karto inay inay la kulanto kalsooni-darro kaga timaadda shacabk, kuwaasoo kala ah
1. Khilaaf siyaasadeed salka ku hay is-kooxeysi iyo in siyaasada loo rogo mid xisbiyo ku dhisan.
2. In lagu mashquulo khilaafyada Dowladda Dhexe iyo maamulada, iyadoo la dayacayo amniga iyo xasiloonida caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ka hor inta aan la gaarin Gobolada dalka.
Dhanka kale, Miichael Keating ayaa soo hadal-qaaday khilaaf siyaasadeedka Dowladda Federaalka kala dhexeeya maamulka Galmudug, isagoo ku taliyay in la qaboojiyo khilaafka iyadoo la eegaayo rajada shacabka. Wuxuuna ku dhuftay carrabka in waxyaabaha hadda socda ay Dowladda Soomaaliya kala kulmi karto kalsooni-darro kaga imaankarta shacabkeeda.
”Waxaan ku talinaynaa in la Qaboojiyo xiisadda Galmudug ka dhex-aloosan, waayo waxaa inoo muuqaneysa in xiisadda taagan ay dib u dhigi karayso qorshihii horumarka Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Keating.
Danjiraha ayaa tibaaxay inay aaminsan yihiin in dhibaatooyinka ugu badan ee Somalia heysta ay sabab u yihiin xisb Siyaasadeedka iyo Khilaafyada dowlada kala dhexeeya maamulada.
Ugu dambeyn, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ka digay in lagu sii fogaado Khilaafyada dowlada kala dhexeeya maamul Goboleedyada qaar.
PUNTLAND POST