Cadaado (PP) ─ Xildhibaanada iyo Sanatarrada laga soo doorto maamul-goboleedka Galmudug oo booqasho ku tegey shalay Magaalada Cadaado ee Gobolka Galguduud, ayaa War-murtiyeed ka kooban saddex bog maanta ka soo saaray khilaafka ka dhex-jira madaxda sare ee Maamulka Galmudug.
Bayaankan ayay xildhibaannada iyo Sanatarrada ku sheegeen inuu si rasmi ah u ogolaaday madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf] in Wadahadal lagu xalinayo khilaafka uu la yeesho dhinacyada ka soo horjeeda balse Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay diideen in wax wadahadal ah la galaan Xaaf maadaama uu yahay qof kalsoonidii ay kala laabteen xildhibaanada Galmduug.
Dhanka kale, Xildhibaanada iyo Senatarada ayaa ku eedeeyay madaxda sare ee dowlada federalka ay farogelin ku hayso maamulka Galmudug ayna ka dambeyso khilaafka ka jira, waxaana si gaar ah loogu xusay Nayaankan in musharax ay wataan madaxda dowlada federalka uu ku sugan yahay Cadaado ayna maalgelinayaan.
AKHRISO BAYAANKA LAGA SOO SAARAY KHILAAFKA GALMUDUG;

PUNTLAND POST