Galmudug oo joojiyay dhamaan Duulimadyadii kaga imaan jiray Muqdisho

Cadaado (PP) ─ Maamulka Galmudug ayaa joojiyay dhammaan duulimaadyadii ka imaanayay Muqdisho, sababo ku aadan xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada maamulkaas.

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ayaa illaa amar dambe lagu joojiyay duulimaadyada ka imaanayay Muqdisho, marka laga reebo kuwa hey’adaha sama falka iyo diyaaradaha u socda AMISOM.

Sidoo kale, Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug, Wasaaradda Amniga maamulka Galmudug iyo Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in la joojiyay duulimaadyada ka imaanaya Muqdisho.

Ugu dambeyn, Arrintan ayaa ka dambeysay, markii ay soo baxday in wafdi ka socda Xukuumadda Somalia ay maanta oo Khamiis ku wajahan yihiin Cadaado, Waxaana Madaxweynaha maamulka Galmudug uu ku tilmaamay in imaanshahooda uu ka dhalan karo dhibaato ka dhan ah Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada.

PUNTLAND POST