
Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, Yuusuf Garaad Cumar Axmeed ayaa markii u horreysay ka hadlay Xiisadda u dhaxeysa Dowladda Federaalka ah iyo maamul goboleedyada ee ka dhalatay khilaafka Khaliijka.
Yuusuf Garaad oo la hadlay VOA-da ayaa si kulul uga hadlay tallaabooyinka ay qaadayaan dowlad goboleedyada, isagoo xusay in Dowladda Federaalka Somalia ay leedahay mas’uuliyadda arrimaha dibadda.
Wasiirka ayaa intaas ku daray in maamul-goboleedyada dalka aysan heysan sharciyad ay heshiis kula galaan dowlado shisheeye, waxaana uu ka dalbaday in howshaas ay uga dambeeyaan dowladda dhexe
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in maamul goboleedyada inay ka qanciso wixii ay tabanayaan, isla markaana dhageysato sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn, Wasiirka oo ka mid ah Wafdiga Madaxweynaha Somalia uu hoggaaminayo ee ku sugan dalka Sacuudiga ayaa sheegay in marna aanay is bedel ku imaan mowqifkii dhex dhexaadnimo ee dowladda ka qaadatay Khaliijka, wuxuuna meesha ka saaray in arrintaas lagala hadlay dowladda.
DHAGEYSO; CODKA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOMALIA;
PUNTLAND POST