Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Somalia ayaa kasoo saaray bayaan qalalaasaha ka taagan maamulka Galmudug, kaasoo salka ku haya taageeradii uu Madaxeynaha maamulkaas taageeray dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka oo uu khilaaf kala dhexeeyo xukuumada Qatar.
Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somalia ayaa lagu sheegay inay tahay in la taageero go’aan ay xildhibaanno ka tirsan ku gaareen Cadaado shalay, kuwaasoo sheegay inay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle [Xaaf], inkatsoo madaxweynuhu uu iska diiday go’aankaas.
Haddaba, bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia oo ka koobnaa afar qodob ayaa u qornaa sidan;
- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxey ka wallaacsan tahay xasaradaha amni iyo siyaasadeed ee maalmahan ka soo cusboonaaday xarunta KMG ah ee maamulka GalMudug ee degmada Cadaado.
- Dawladda Federaalku waxey cambaareyneysaa falalka aan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqeysaa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
- Dawladda Federaalku waxey ku baaqeysaa in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray maanta oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.
- Dawladda Federaalku waxey fareysaa hay’adaha amniga inay ka hortagaan xasarad kasta oo keeni karta amni darro saameysa hay’adaha dastuuriga ah, waxeyna ugu baaqeysaa shacabka inay kaalin ka qaataan dhawrista nabadgelyada iyo xasiloonida deegaanka.
Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa u muuqata mid sii hurinaysa qalalaashaha ka taagan maamulka Galmudug, kaasoo gaaray heerkii ugu sarreeya mar haddii ay xilalka sare isku haystaan madaxda maamulkaas.
PUNTLAND POST