Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta u amba-baxay dalka Sucuudiga, iyadoo maalmahan dambe ay Somalia ka jirtay xiisado ka dhashay maamullo taageeray dalal ka mid ah kuwa Khaliijka oo uu khilaaf u dhexeeyo.
Farmaajo ayaa safarkiisa oo qaadanaaya labo casho ah ayaa la kulmi doona Boqorka Saudi Arabia, Salmaan bin C/casiis iyo dhaxal sugaha boqortooyada Maxamed Binu Salmaan, inkastoo aan la ogeyn waxyaabaha uu kala hadli doono.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa ka warbixiyey safarka Madaxweynaha, waxa uuna sheegay in safarkan shaqo ee madaxweynaha uu dabo socdo safarradii hore ee u ku tagay dalkaas kuwaas oo lagu xoojinayey dhaqaalaha, amniga iyo maalgashiga.
Ugu dambeyn, Safarkan waxaa ku weheliya Madaxwenaha xubno uu ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar.


PUNTLAND POST