Axmed Madoobe oo Dowladda Federaalka ugu baaqay inay qanciso Maamul-goboleedyada

Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka ka jira, kaasoo ka dhashay go’aankii dhex dhexaadniamda ee Dowladdu ka qaadatay xiisada ka jira Khaliijka, isagoo ku baaqay gogol uu magaalada Kismaayo ugu dhigayo Madaxda Maamullada ka jira dalka si looga tashto waxyaabaha jira.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay xiisada Khaliijka ayaa sheegay in Dalalka Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga ay kuligood yihiin walaalahood, isla markaana loo baahan yahay wixii aragti ah ee Xukuumadda ka qaadatay arrintaas kala tashato maamul goboleedyada.

“Dowladaha Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, kuligood waa walaalaheen, Xukuumadda Federaalka hadii aragti ka qaadatay waxay mudan tahay inay la tashato maamul goboleedyada oo ay ku qanciso, oo ay tiraahdo sidaan u aragnay sidan ayay dadla maslaxdiisa ku jirtaa, dhex dhexaadnimada waa sidaan”ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Wuxuu sheegay in haddii-maamul goboleedyada kale ay ku doodayaan inaysan dhex-dhexaadnimo ahayd aragtida xukuumadda FS iyo haddii ay dhinac martay  loo baahan yahay in is qancin, wada hadal iyo wada tashi laga yeesho.

Axmed Madoobe oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray.“Xukuumadda iyadaa laga sugayaa inay qanciso dowlad goboleedyada, sababtoo ah waalidka ilmihiisa sida ula dhaqmo ayay iyagana ula dhaqmaan, Xukuumadda iyada aayy mas’uuliyada saaran tahay, wixii halaabo iyaga ka halyaabayaan, sababtoo ah, hada aniga iyo Madaxweyne Farmaajo, isku xukun ma nihin waxa aniga iga dhaca iyo waxa isaga ka dhacay wey kala weyn yihiin.”

Dhanka kale, Wuxuu tilmaamay in dhismaha maamul goboleedyada laga soo maray dhib badan, isla markaana in wax la dumiyo ay aad u sahlan tahay, waxaa uu si gaar ah u soo hadal qaaday Galmudug oo uu xusay in dhismaheeda dhib fara badan laga maray.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka ay isugu imaanayaan maamul goboleedyada ay uga wada tashanayaan doorka uu Dastuurka u gogol yahay midka ay dowladda Dhexe leedahay, kaddibna ay iyagoo wadajir ah hortagi doonaan Madaxda Qaranka, si ay u saxaan wixii khaladaad ee jira.

PUNTLAND POST