Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha

New York PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi, waxana ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac iyo mashaariic ay dawladda Shiinuhu ka fulineyso Soomaaliya.

Kulankan ayaa la iskula soo qaadey xoojinta xiriirka labada dawladood, xaaladda amniga ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda iyo taageerada dib-u-dhiska iyo dib-u-soo kabashada Soomaaliya.

Mudane Khayre ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Shiinaha Wang Yi uga mahad celiyay kaalintooda wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, wuxuuna cadeeyey sida loogu baahan in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada waddan.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ee arrimaha Soomaaliya iyo Shir kale oo isna looga hadlayey Abaaraha. Iyadoo ay shirarkani ka soo qeyb galeen in ka badan 98 waddan.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa maalinta Jimcaah Maanta ah khudbad ka jeedin doona shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST