Doorashada ku celiska ah ee Madaxnimada Kenya oo dib loo dhigay xilliga ay dhici doonto

Nairobi (PP) ─ Guddiga Doorashada Kenya ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada madaxnimo ee ay ku tartmi doonaan Kenyatta iyo Raila Odinga oo lagu waday inay dhacdo 17-ka bisha Oktoobar.

War ay soo saareen guddiga doorashooyinka Kenya ayaa lgau sheegay inay doorashadu dhacayso 26-ka bisha Oktoobar, kaddib markii uu cadaadis aad u xooggan ka yimid dhanka isbahaysiga mucaaradka Kenya ee NASA.

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa dhawaan laashay guushii uu doorashada ka gaaray madaxweynaha xilka hawya ee Uhuru Kenyatta, taasoo keentay in guddiga doorashadu ay sheegaan in doorashada ku celiska ah ay dhacayso 17-ka bishan, balse dib loo dhigay.

Doorashada ku celiska ah ee Kenya ayaa waxaa ku tartami doona Kenyatta iyo Raila Odinga oo uu ka dhexeeyo xifaaltan aad u adag, iyadoo aan xilligan la saadaalin karin cidda kusoo bixi doona doorashadan ku celiska ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku tilmaamay go’aanka ay gaartay Maxkamada sare ee dalka Kenya inuu ahaa in[-qilaab maxkamadeed.

PUNTLAND POST