Maamul Goboleedka Galmudug ayaa ka hadlay Nin gaf u geystay suubanaheena Nabi Maxamed (NNKHA) kaas oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Galmudug Shiikh Mursal Cabdiraxmaan Iyo Wasiir ku xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Cadaado ayaa waxa ay sheegeen in ninkaas uu u gafay Diinta islaamka islamarkaana laamaha amaanka la amrayo in ay gacanta ku soo dhigaan sharcigana la hor keeno
Sidoo Kale Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dowlada Federaalka Iyo Maamulka Goboleedyada dariska la ah Galmudug hadii uu isku dayo ninkaas in uu ka baxsado Galmudug ay gacanta ku dhigaan isaga iyo dadka la mooqifka ahba.
Baraha bulshada ayaa waxaa qabsaday Nin shaqsi ah oo soo bandhigay sawir uu ku tilmaamayo Nabi Maxamed (NNKHA) waxayna ka yaabisay ummadda Soomaaliyeed, waxaana ninka arintaas sameeyey uu ku nool yahay koofurta Galkaacyo, waxaana lagu magacaabaa Sheekh Cabdi wali Afyare, waxa uuna halkaas ku leeyahay xer iyo ciidan.
PUNTLAND POST