London (PP) ─ Waxyaalo qaraxyada loo adeegsado oo la isku xir-xiray ayaa lagu weeraray mid ka mid ah Tareennada Dhulka hoostiisa mara ee magaalada London ee xaunta dalka Britain.
Qaraxan ayaa lagu weeraray tareen ka shaqeeya xaafadaha Koonfur-galbeed ee London saakay xilliga UK. Iyadoo booliiska London uu sheegay in qaraxu uu ahaa mid argagaxiso.
Sidoo kale, Weerarkan ayaa sababay dhaawacyada 22-qof oo ka mid ahaa rakaabkii tareenka, waxaana ku jira kuwo gubtay, waxaana tani ay keentay in la joojiyo isku socodka tareennada dhulka hoostiisa mara ee London, sida ay warbaahintu baahisay.
Booliiska ayaa sheegay inay baarayaan weerarkan, iyagoo tilmamaay inuu ka dhacay xarun lagu magacaabo, Parsons Green, iyadoo weerarkan uu ku beeray argagax iyo cabsi qaar ka mid ah dadkii shaqooyinka u kallahayay aroornimadii hore ee maanta oo Jimco ah.
Sawirro laga soo qaaday tareenka gudihiisa ayaa muujiyay baaldi laga soo buuxiyay baco oo uu dab ka kacay, iyadoo aan weli lasoo sheegin cid ku dhimatay weerarkan oo la sheegay inuu ahaa mid argagaxiso.
Ra’iisul Wasaaraha UK, Theresa May ayaa barteeda Twitter-ka ku sheegay in loo baahan yahay in gargaar dhaqiyo badan loo fidiyo dhammaan intii uu ka soo gaaray dhaawaca xarunta tareen ee la weeraray.
Dhanka kale, Duqa London, Sadiq Khan oo isna wabaahinta la hadlay ayaa sheegay in kooxaha argagaxisada ah aysan weligood shacabka magaalada ku nool cabsi-gelin karin, isagoo ku baaqay in la is-dajiyo, isla markaana la is-caawiyo.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britain, Amber Rudd ayaa isna warbaahinta la hadlay wuxuuna yiri. “Weerarkan waxaa lagu soo beegay xilli shacabku ay u socdeen hawl-maalmeeyadooda caadiga ah, waana fal fulaynimo ah oo lagu soo beegay xilli mashquul ah. Waxaana intii ku dhaawacantay weerarkan u rajeynayaa caafimaad dhaqso ah.”
Ugu dambeyn, Weerarkaan ayaa waxaa si adag u cambaareeyay madaxda caalamka qaarkood, kuwaasoo uu ku jiro madaxweynaha Mareykanka Trump oo sheegay in kuwa weerarkan geystay meel looga soo wada-jeesto.
PUNTLAND POST