Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ka mid ah xubnaha Aqalka sare ayaa dhaliilay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya isagoona sheegay in ay cadadis iyo is hor istaag ay ku sameysay Golaha aqalka Sare.
Waxa uu sheegay Senator Maxamed Amiin in Xildhibaanada aqalka Sare ay shalay ku balansanaayeen in ay doodaan arinta dhiibida c/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax) oo dhawan loo gacan galiyay Dowladda Ethopia balse xubno u adeegaya Xukuumadda Soomaliya ay taalabadaas is hor istaageen.
Sidoo kale Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa sheegay in fara gelin badan ay sameysay Xukuumadda, si loo hor-istaago kulanka shalay, isagoo xusay in xataa Xildhibaanada qaar hanjabaad loo jeediyay.
“Waxaa dhacday in is hor-taag iyo cadaadis la sameeyay, fara gelin xukuumadda u sameysay arrintaas ayay u baaqatay, waxaa ognahay maanta illaa xalay madax dowladda ka tirsan iyo maamul goboleedyada ay dadka soo wacayeen oo hanjabaad la isku darayay kulanka maanta”ayuu yiri Senator Maxamed Amiin.
Hoos ka Dhageyso Codka.
PUNTLAND POST