Golaha Aqalka Sare oo Dib u Dhigay Ajandihii Kiiska C/kariin Qalbi Dhagax

Waxaa dib loo dhigay goordhaweyd ajandihii Kiiska C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sarkaal ONLF ah oo dhawaan loo gacan galiyay Dowladda Ethopia ee saaka lagu waday inay ka doodaan Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamanka Soomaliya  Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shalay ku dhawaaqay in Aqalka Sare uu maanta ka doodayo go’aankii Xukuumadda ee arrinta Qalbi Dhagax sax iyo qalad.

Xildhibaano ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaliya oo ay hoggaaminayeen Senator Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Senator Dhagey ayaa Golaha Aqalka sare horgeeyay dhawaan mooshin ay ku dalbanayaan in ajandaha laga saaro kiiskan.

Kulankii goordhaweyd furmay ee xubnaha aqalka Sare ayaa Buuq iyo jahwareer badan uu  hareeyay wuxuuna  Guddoonka Aqalka sare go’aamiyay  in cod loo qaado in ajandaha in dib loo dhigo ama laga doodo

21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo kiiskan C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo ah sarkaal ONLF ah oo dhawaan loo gacan galiyay Dowladda Ethopia, isla markaana laga saaro ajandaha maanta, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.

Guddoonka Aqalka Sare ayaa sheegay in ajandaha kiiska C/kariin Qalbi Dhagax dib loo dhigay, illaa ay ka soo dhamaaneyso dooda Golaha shacabka oo wali uu kiiskan ka furan yahay

PUNTL:AND POST