Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay yeelan doonaan kulan ay kaga doodayaan go’aankii Xukuumadda federaalka Soomaliya ay ku shaaciysay In lagu saxnaa dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) oo ah sarkaal ka Tirsanaa Jamahadda ONLF.
Kulan ay isugu yimaadeen shalay Guddiga Joogtada Aqalka sare ayaa lagu go’aamiyay in Goluhu uu go’aan ka soo saaro arrintan cakiran ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ay u taallo go’aan ka gaarideeda.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in Goluhu uu go’aan ka soo saari doono sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankii Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay ku dhiibtay C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax).
Rii’sul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Golihiisa wasiiradda ayaa wajahaya cadaadis xoog leh oo kaga imaanaya labada Aqal ee Baarlamaanka, gaar ahaan go’aankii ay ka qaadatay kiiskii C/kariin Qalbi Dhagax, waxaana Xukuumadda ay taagan tahay isgoys ay adag tahay sida ay uga gudubto.
PUNTLAND POST