Muqtaar Roobow oo saaka Kuwa Wajahan Magaaladda Baydhabo

Sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonan karo oo Dowladda Soomaliya ka tirsan Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ku-xigeenkii Hogaamiyihii Al-shabaab ee Dowladda isku Soo Dhiibay dhawaan ayaa saakay ka dhoofaya Garoonka Diyaardaha Magaaladda Muqdisho isagoona ku wajahan Magaaladdda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah  maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo wafdiga Muqtaar Roobow ayaa laga dareemayaa Magaalada Baydhabo,wuxuuna ugu sii gudbi doonaa Degmada Xudur ee Gobolka bakool oo markii hore uu ku sugnaa.

Magaaladda Baydhabo waxaa shalay Gaaray wafdi uu Hogaaminayo Wasiirka_Gaashaandhiga Dowlada Fadaraalka Soomaaliya, Cabdirashiid C/laahi iyo mas’uuliyiin kale oo ka Tirsan Dowladda Soomaliya.

Amnaaka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa gabi-ahaanab saakay magaaladda amnigeeda la wareegay Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Ethopia ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

PUNTLAND POST