Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo sheegay in guulo laga gaaray dagaalka Al-shabaab

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa sheegay in guulo la taaban karo ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab.

Desalegn ayaa sheegay in ay aad ugu qanacsan yihiin xukuumadda iyo maamulka Soomaaliya maanta ka jira.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ka hadlayay siyaasadda geeska Afrika ayaa sheegay in horumar la taaban karo ay ka jiraan waddamada geeska Afrika.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka gaabsaday su’aalo dhowr ah oo ku saabsan Dowladda Eriteriya, waxaana uu si joogta tusaale ugu soo qaadanyay dowladda Soomaaliya isagoo ku celceliyay xiriirka sii kobcaya ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn kama hadlin tilaabadii dowlada Soomaaliya ay ugu wareejisay Dowlada Itoobiya Sarkaal Katirsan ONLF

PUNTLAND POST