Muwaadin u dhashay Mareykan oo maxkamad ka hor-qirtay inuu u dagaalamay Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Muwaadin u dhashay Mareykanka oo lagu magacaabo, Maalik Alim Jones ahna 32-jir, ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay inuu taageero siiyay una dagaalamay Kooxda Al-shabaab ee Soomaaliya.

Garsoore degmo ka tirsan Manhattan ee dalka Marekanka, ayaa sheegay in Jones uu maxkamada ka hor qirtay in qori AK-47 ah uu ku dagaalami jiray intii uu la joogay Al-shabaab, sidoo kalena waxaa la sheegay in tababar uu la qaatay xooggga Al-shabaab.

“Waan ogaa in ficilladeydu xadgudub ku yihiin sharciyada Mareykanka” ayuu yiri Jones oo ka hadlay maxkamadda intii ay dacwaddiisu socotay.

Sidoo kale, Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sheegeen in Jone uu ku dhashay kuna noolaa Maryland, isla markaana uu sannadkii 2011-kii u safray Kenya, uuna uga gudbay Somalia, halkaas oo uu kula Tababbarta Al-shabaab, Waxaana dhammaan dambiyadaasi lagu soo oogay sannadkii 2016.

Muwaadinkan Mareykanka ah ayaa waxaa dowladda Mareykaka sanadkii aan kasoo gudubnay ku wareejisay Dowladda Federaalka Somalia oo gacanta ku dhigtay.

Ugu dambeyn, Dalalka Reer Galbeedka ayaa isha ku haya muwaadiniintooda u safra dalalka Kenya iyo Somalia, waxaana ay aaminsanyihiin in ay khatar kala kulmi karaan marka ay ku laataan dalalkooda.

PUNTLAND POST