Qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay degmada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay

Baydhabo (PP) ─ Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen Qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu weeraray baar ku yaalla degmada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Maqaayadda uu Qaraxa is-miidaaminta ah ka dhacay ayaa waxay ku taallaa agagaarka Shirkadda Dahabshiil ee Baydhabo, waxaana fuliyay ruux qaraxyo isku soo xiray.

Qaraxaan, ayaa waxaa fuliyay nin isku soo xiray Waxyaabaha Qarxa, kaasoo beegsaday dad ku sugnaa Maqaaxida Barwaaqo oo halkaasi ku taalla.

Wararka ayaa sheegaya in Qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu Qarxiyay Baarka xili ay ahayd mid mashquul badan oo ay dad badan ku sugnaayeen goobtaas.

Sidoo kale, Xiliga uu Qaraxa dhacayay waxaa goobta ku sugnaa dhallinyaro fara badan oo la sheegay inay la shaqeynayeen maamulka Baydhabo, kuwaa oo uu soo gaaray khasaaro kala duwan.

Waxaa goobta la wareegay Ciidanka Amniga magaalada Baydhabo oo iyagu halkaa gaaray Qaraxa kadib waxaana jira khasaaro xoogan.

Maamulka iyo Saraakiisha magaalada Baydhabo ayaa ku howlan baaritaano lagu kala saarayo Khasaaraha iyo sidii ay u soo qab qaban lahaayeen raggii weerarkan ka dambeeyay.

Ugu dambeyn, Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay inay weerarkan mas’uul ka tahay, balse Qaraxyada noocan ah ayaa waxaa intooda badan sheegata Al-shabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo Maamul-goboleedyada.

PUNTLAND POST