Sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo isku soo dhiibay Ciidamada Dowladda Somalia

Garbahaarey (PP) ─ Dowlada Somalia ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay sarkaal ka tirsan Al-shabaab, kaasoo lagu magacaabo C/casiis Xasan Heybe (Bishaar), isla markaana u qaabilsanaa kooxda dhanka qaraxyada.

Sarkaalka ayaa isku dhiibay Ciidamada Dowlada Somalia ee ka Hawl-gala gobolka Gedo, isagoo wata qori AK-47 ah. Waxaana soo goosashadiisa ay timid markii uu xiriir lasoo sameeyay saraakiisha ciidamad dowladda Somalia ee ku sugan Gobolkaas.

Taliyaha ururka 49-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Faarax Maxmed [Turbac] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Sarkaalkan uu gar-waaqsaday inuu kasoo goosto Al-shabaab uuna bushadiisa dib ugu soo laabto.

Sidoo kale, Sarkaalku wuxuu xusay in sarkaalka ay ku wareejin doonaan dowladda Federaalka Somalia, isagoo ku baaqay in Al-shabaabka kale ay ku daydaan sarkaalkan isku soo dhiibay dowladda.

Dhanka kale, Taliye Faarax Turbac ayaa sheegay in sarkaalkasi uu Kooxda Al-shbaaab u qaabilsanaa qaraxyada iyo miinooyinka ay kooxdu ka fuliso degaano Gobolka Gedo.

Ugu dambeyn, Taliska Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inay jiraan rajooyin ku aadan inay isa soo dhiibaan Saraakiil kale oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.

PUNTLAND POST