Bannaanbax looga soo horjeedo Ciidamada AMISOM oo xilligaan ka socda Afgooye


Afgooye (PP) ─
Shacab u badan haween iyo carruur ayaa maanta dibad-bax looga soo horjeedo ciidamada AMSIOM waxay ka dhigayaan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Bannaanabaxan ayaa yimid kaddib markii maalmo ka hor ciidanka AMISOM ay demadaas ku toogteen wiil dhallinyaro ah oo madaxa looga jiray, kaasoo xalay u geeryooday dhaawicii kasoo gaaray toogashadaas.

“Dibadbaxan waxaan kaga soo horjeednaa ciidamada AMISOM, waxay naga dileen wiil dhallinyaro ah oo maskaxda looga jiray. Ciidamada AMISOM dalka uma joogaan la-dagaalanka Al-shabaab ee waxay u joogaan gumaadka ummadda Soomaaliyeed,” ayaa ka mid ahaa erayada ay dibadbaxayaashu ku dhawaaqayeen.

Sidoo kale, Xaaladda degmada Afgooye ayaa maanta kacsan, waxaana lagu wadaa inay maamulka dhawaan warbaahinta kala hadlaan xalka ku saabsan dhibaatada ay shacabku ka cabanayaan.

Ugu dambeyn, Degmadda Afgooye ayaa 30-KM dhanka koonfureed waxay uga began tahay Muqdisho, waxaana ku sugan ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo dagaallo kula jira Al-shabaab.

PUNTLAND POST