Jowhar (PP) ─ Musharraxa madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cabdi Faarax Laqanyo ayaa maanta gaaray degmada Jowhar, iyadoo si diiran loogu soo dhaweeyay halkaas.
Laqanyo ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay xubno ka tirsan siyaasiyiin, culummo iyo oday-dhaqameedyo kasoo jeeda deegaannadisa, kuwaasoo soo dhaweeyay sida ay u socoto qaban-qaabada doorashada madaxweynaha cusub ee Hirshabelle.
Sidoo kale, Musharrax Laqanyo ayaa gacan-qaaday dadkii iskugu soo baxay soo dhaweyntiisa oo ka kala yimid dhamaan xaafadaha magaalada Jowhar oo ay ka mid ahayeen xubnaha golaha sharci dajinta Hirshabeelle, Wasiirro, culummo, waxgarad, dhallinyaro iyo haween.
“Bulshada Jowhar iyo guud ahaan shacabka reer Hirshabelle aad ayaan idin kaga mahad-celinayaa soo dhaweyntiinna. Runtii ma fileyn soo dhaweyn sidan oo kale ah aan la kulmi doono, waxayna ii muujinaysaa isbeddelka ay rabaan shacabka iyo mas’uuliyiinta maamul-goboleedka Hirshabeelle,” ayuu yiri Laqanyo oo hadallo kooban jeediyay markii uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Jowhar.
Musharrax Laqanyo oo sii hadlayay ayaa intaas ku daray in uu dhawaan soo bandhigi doono bulshada iyo mas’uuliyiinta Hirshabeelle siyaasaddiisa ku wajahan musharraxnimadiisa iyo wax-qabadka uu rajeynayo in uu ka gun gaaro.
Dhanka kale, Laqanyo ayaa buuxiyay dhamaan shuruudaha looga baahan yahay musharraxa madaxweynaha baarlamaanka Hirshabeelle, isagoo hor-tegi doona baarlamaanka si uu ugu sharraxo siyaasaddihiisa.
Ugu dambeyn, Doorashada Madaxtinimada maamul-goboleedka Hirshabelle ayaa lagu wadaa inay qabsoonto 12-ka bishaan September oo ku Talaadada soo socota ku beegan.
PUNTLAND POST