Muqdisho (PP) ─ Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia C/raxmaan Cumar Cusmaan [Yariisow], ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dib u eegis ay ku sameynaso dhammaan heshiisyadii ay gashay dowladdii hore ee Soomaaliya.
Inj. C/raxmaan Yariisow ayaa xusay in heshiisyadaas lagu sameyn doonto qabyo tir, isla markaana la waafajin doono sharciyadda u yaalla Soomaaliya. Xukuumada ayaa sidoo kale tilmaamtay in heshiisyadaas qaarkood ay suuro-gal tahay in aysan waafaqsaneyn Shuruucda dalka.
Sidoo kale, Xukuumadda Somalia ayaa hadalkaan sheegtay kaddib markii ay wareejisay Cabdikariin Sheekh Muuse [Qalbi-dhagax] oo gacanta loo galiyay Dowladda Itoobiya.
Xukuumadda Somalia, ayaa sheegtay inay jiraan heshiisyo horay Dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud ula gashay Dowlado kale kuwaasoo aan la marin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Warkan kasoo baxay Xukuumada Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay jiraan heshiisyo aan munaasab ahayn oo Dowladdii hore ay gashay kuwaasoo muran badan ka yimid.
DHAGEYSO; Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Inj. Yariisow;
PUNTLAND POST